Maraykanka oo hubka shacabka laga iibiyo laga fiirsanayo

Lahaanshaha sawirka AP

Musharaxa Madaxtinimo ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo gudiga hubka shacaka laga iibiyo.

Donald Trump ayaa gudigan kala xaajoonaya sidii loo xakamayn lahaa banaadiiqda laga iibinyo dadka aragaxisada looga shakisan yahay.

Waxaa maalmahanba soo baxayay in wax la iska weydiiyo hubka dadka laga iibiyo,.

Tilaabadani ayaa la qaadayaa ka dib markii magaaladda Orlando lagu laayay ku dhowaad 50 qof.

Dadkan la laayay ayaa ku cawaynayay meel Club ah oo ay fariisan jireen naadi ay lahaayeen raga isugalmooda.

Toogashadaasi waxaa gaystay nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Omar Mateen.