Booliska Britain oo baaraya dilkii xilibaanada Jo Cox

Lahaanshaha sawirka Getty

Booliska dalka Britain ayaa ka hadlay dilkii loo gaystay xilibaanadii shalay la toogtay.

Boolisku waxay sheegeen in su’aalo weydiinayaan qofka looga shakisan yahay dilkan.

Waxaana qofkan la weydiinayaan in laga soo dhaadhiciya inuu gabadhan dilo.

Dilkan xilibaanada waxaa ka hadlay ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron.

Sidoo kale waxaa goobta booqday madaxda ururka shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Jeremy Corbyn waxuu sheegay in baarlamaanka uu waayay xubin qaali ah.