Militeriga oo Faluuja ku adkaanaya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Militeriga Ciraaq, ayaa sheegaya inay dib uga qabsadeen kooxda khilaafada Islaamka dhismooyinka muhiimka ee magaalada Faluuja.

Magaalada oo 50 kilomitir galbeedka ka xigta magaalada Baqdaad, waxaa haystay ururka Khilaafada Islaamka in ka badan intii ay haysteen magaalo kale oo Ciraaq ama Suuriya ah.

Dagaalka oo socday saddex toddobaad ayaan weli dhammaan. Waxaa jira warar sheegaya in dagaal uu ka jiro meelo kale oo magaalada ah. Faluuja waa halka ugu weyn ee laga diyaariyo lagana diro dadka isku qarxiya magaalada Baqdaad, oo ah olole ay Kooxda khilaafada Islaamka kordhisay markii dhul badan oo Ciraaq iyo Suuriya ah laga qabsaday.