Boko Haram oo 18 qof dishay

Lahaanshaha sawirka AP

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in Boko Haram ay dileen dad gaaraya 18 qof.

Dilkan waxaa la sheegay inuu ka dhacay waqooyiga bari ee dalkaasi Nigeria.

Wararku waxay sheegayaan in Boko haram ay rasaas ku fureen goob tacsiyo ay ka socotay.

Tacsidaasi ayaa ka dhacay gobolka Adamawa oo ku yaala xuduuda dalka Niger.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in todobo askari lagu dilay xero qaxooti.

Xeradan qaxootiga ee askarta lagu laayay ayaa ku taala xuduuda dalka Niger.

Booko haram ayaa dagaal ka wada wadamada Nigeria iyo Niger oo ay dad badan ku laayeen.