Dagaal ka dhacay Shabeelaha hoose

Lahaanshaha sawirka n

Ururka Alshabab, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo militeri oo ay wateen ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo marayay gobolka Shabeelaha Hoose.

Rasaas xooggan oo saacado socotay, ayaa lagu soo warramayaa in laga maqlay magaalada Baraawe.

Ciidamada, ayaa ka soo baxay Muqdisho kuna jeeday magaalada Baraawe markii ay Alshabaab weerareen, sida dad deegaanku sheegayaan.