Caasimada Brazil oo la sheegayo inay lacagtii ka dhamaatay

Lahaanshaha sawirka AFP

Badhasaabka Rio de Janeiro ayaa sheegay inay ka dhamaatay lacagtii ay ku fulin lahaayeen adeegyada bulshada

konton cisho oo kaliya ayaana ka harsan tartanka ciyaaraha olombigga oo magaladaasi lagu qabanayo.

Franciscceo Dornelles ayaa sheegay inuu ku dhawaaqayo xaalad deg deg ah oo maaliyadeed si ay ugu suurto gasho in la gargaaro.

Waxuuna kaalmo waydiisteen dowladda faderaalka ah ee Brazil. Wuxu sheegay in lacag la'aan weyn ay jirti.

Dhaqaalo xumidana ayaa ka dhalatay dadaalka ay ugu jirtay Rio de Janeiro inay oofiso waajibaadka ka saaran ciyaaraha Olymigga.

Waxa la qaaday tallaabooyin lagu beekhaaminayo kharashka ku baxaya nabad gelyada, gaadiidka iyo adeegyada kalee bulshada.

Wuxu yidhi hadii tallaabooyinka caynkaas ah la qaadi waayo waxa dhacaysa in gabi ahaanba ay hawluhu istaagaan.

Madaxweyn Michel Temer oo todobaadkii hore booqday Rio ayaa sheegay inuu ku dadaalayo in sidii waajibaadka ka saaran dalkiisa ciyaaraha olombigga loo fulin lahaa.