Tansaniya oo xirtay 630,000 taleefoon

Lahaanshaha sawirka no credit

Tansaniya, ayaa hal habeen hawada ka saartay 630,000 oo taleefoonada gacanta ah, taasi oo ujeedkeedu yahay in lagu dhammeeyo taleefoonada gacanta ee been abuurka ah ee dalka.

Tansaniya, ayaa ku biirtay dalalka Cameroon, Koonfur Afrika iyo Nigeria dadaalkooda ay ku xoojinayaan tallaabooyinka ammaan iyo caafimaad, iyagoo qadka ka saaraya taleefoonada.

Hay'adda maamusha isgaarsiinta, ayaa sheegtay in taleefoonada la damiyay ay 3 boqolkiiba ka yihiin kuwa dalka ka jira. Tiradaas ayaa aad uga yar marka la barbardhigo tii la filayay. Madaxda ayaa aaminsan in dad badan ay qaateen taleefoono hor leh ka hor intaan la damin.

Xisbiga mucaaradka ee CUF, ayaa sheegay guuldarada dowladda ee aheyd inay ka hortagto in dalka soo galaan taleefoonada been abuurka ah ay ku ciqaabeyso Tansaniyanka aan waxba galabsan. Balse hay'adda isgaarsiinta maamusha ayaa sheegtay in damistan ay tahay mid caafimaadka dadka taleefoonada adeegsada lagu ilaalinayo. Waxayna intaa ku dartay in taleefoonada gacanta ee been abuurka aysan laheyn tirada cadeynta saxda ee mobilada oo muhiim u ah in lagu ogaado oo lagu tixraaco, waxayna la'aanta tiradaasi ka dhigeysay in dambiilayaasha ka baxsadaan in la soo qabto.

Qiyaasta dadka Tansaniya oo lagu sheegay 49 milyan ayey dadka ka haystaan shirkadaha 33 milyan oo taleefoon.