Maxaabiis laga sii daayay Fallujah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidanka Ciraaq ayaa la wareegay Fallujah

Ciidanka ammaanka ee Ciraaq ayaa sii daayay 350 qof oo ku xirnaa xabsi uu ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ku lahaa magaalada Fallujah.

Maxaabiistaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ka muuqato gaajo iyo oon.

Dagaalyahannada ururkaasi ayaa magaalada gacanta ku hayay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Milateriga Ciraaq ayaa ururka dowladda Islaamka ka saaray inta badan Fallujah, balse waxa ay weli la kulmayaan iska caabin xooggan.

Dagaalyahannada ururkaasi ayaa sidoo kale adeegsanaya gawaarida walxaha qarxa laga buuxiyay, waxaana xalay ay labo gaari ku qarxiyeen gudaha magaaladaasi, walow aan la sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay.