Baxrayn oo dhalashada kala laabatay wadaad

Image caption Sheekh Ciise Qaasim

Dowladda Baxrayn ayaa dhalashada kala laabatay wadaad caan ah oo ka tirsan Shiicada dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in Sheekh Ciise Qassim uu ku takri falay xilka uu hayay, waxaana ay ku eedeysay in uu ka shaqeynayay kala qaybinta Muslimiinta iyo in uu u adeegayay danno shisheeye.

Qassim ayaa taageeray mudaaharaad ay wadeeb Shiicada tirada badan ee dalkaasi oo dalbanayay xuquuqo iyo ka qaybgalka siyaasadda oo dheeri ah

Shiicadda Baxrayn ayaa ku doodda in ay faquuq kala kulmaan Sunniyiinta dalkaasi maamula.

Todobaadkii hore dawladda ayaa kala dirtay mucaaradkii ugu badnaa ee Shiico ah.

Mas'uuliyiinta dawladda Baxrayn ayaa iyaguna dhankooda sheegay in dalka Iiraan uu sanado badan hurinayay xiisadda ka taagan dalkaasi Jasiiradda ah.

Dawladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xidhay xafiisyada Wefaq National Islamic Society isla markaasna ay fadhiisisay hantidooda.

Qareen u hadlay ayaa sheegay in aysan waxba kala sii soconin arrintan.