Taayiro lagu gubay magaalada Berbera oo dabaylo ka dhacayaan

Image caption Astaanta magaalada Berbera

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Berbera iyo goobo kale ayaa saaka lagu gubay taayiro xilli dabaysha xagaaga oo xoog badan ay ka dhacayso xeebta.

Gudoomiyaha gobolka saaxil ee Berbera Jaamac Yuusuf Axmed ayaa BBC si kooban ugu sheegay in laba meelood taayiradaasi lagu gubay saaka balse markiiba ay bakhtiiyeen ciidamada boliiska iyo dab-damiska.

Faah-faahin kale ma uusan bixinin gudoomiyuhu, wuxuuse qiray in dhawr qof loo xiray taayiradaasi lagu gubay magaalada berbera saaka.

Image caption Waxaa jira dad cabasho ka qaba wareejinta dekedda Berbera

BBC oo weydiisay gudoomiyaha waxa ka jira in taayiradan la gubay uu yahay banaanbax lagaga soo horjeedo injineero ka socda shirikadda Dubai Ports World oo jooga oo la wareegaya dekedda berbera?, wuxuu ka gaabsaday gudoomiyaha gobolka saaxil in injineeradaasi indha-indhayn uun u socdaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in taayiradan la gubay ay yihiin nooc cabasho ah oo dadka qaarkood ku diidanyihiin heshiiska xukumadda iyo Shirikadda Dubai Ports World ee dekedda Berbera.

Wixii ka soo kordha kala soco halkan, baraha bulshada ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC ama Idaacaddaha soo socda.