Mexico: Mudaaharaad ayay 6 ruux ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Macallimiinta ayaa ka caraysan masuuliyiinta ururkooda oo la xiray.

Lix ruux ayaa ku dhimatay kooxfurta dalka Mexico kaddib markii ay isku dhaceen macallimiin mudaaharaadaya iyo booliis.

Konton ruux oo kale oo ay ka mid yihiin booliis tiro badan ayaana ku dhaawacmay.

Dhacdadaasi waxay ka dhacday gobolka Oaxaca halkaas oo todobaadkii hore lagu xiray labo masuul oo sarsare oo ka tirsan urur macallimiin kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Macallimiinta ayaa bilaabay in ay jidadka xirtaan

Qaar ka mid ah ururka macallimiinta ee CNTE oo lagu yaqaano taariikh xagjirnimo ah ayaa jidgooyooyin dhiganayay koonfurta dalka Mexico tan iyo markii la xiray masuuliyiin ururka macallimiinta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliiska ayaa la sheegay in aysan hubaysnayn.

Xukuumaddu waxay sheegtay in booliisku ay isku dayayeen in ay nadiifiyaan wadooyinka markaasna rag aan la garanaynin ay xabbad ku fureen labada dhinacba si ay u abuuraan qas iyo isku dhac.

Taliyaha ammaanka qaranka ee Mexico ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in booliiska ka qaybqaadanayay hawlgalka agagaarka magaalada Nochixtlan aysan wadanin hub.

Warshadda shidaalka ee Pemex oo ay dawladdu leedahay ayaa sheegtay in Jimcihii in laga yaabo in ay joojiso sifayntii shidaalka ee agagaarkaas ay ka waday haddii uu sii xirnaado oo jidgooyooyinku ay sii yaalaan wadada way nee isku xirta Oaxaca iyo magaalada caasimadda ah ee Mexico City.