Jean Pierre Bemba oo 18 sano lagu xukumay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Bemba ayaa lagu eedeeyay in ciidankiisa ay xadgudubyo ka gaysteen Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sideed iyo toban sano ku xukuntay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Congo Jean-Pierre Bemba.

Waxaa lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal.

Bemba waxaa lagu helay in uu ku guul daraystay in uu ciidammadiisa ka hor istaago dilkii iyo kufsigii ay u gaysteen shacabka jamhuuriyadda bartamaha Afrika sanadkii 2002 iyo 2003-dii.

Bemba ayaa horey loogu helay dambi ah in uu ku guuldarestay in ciidamadiisa uu ku amro in ay joojiyan dil iyo kufsi.

Bemba ayaa la sheegay in dalkaas uu u diray in ka badan kun askari si ay gacan uga geystaan la dagalanka mucaraad dowladda ka soo horjeeday.

Xukunka uu ku mutaystay kufsiga lagu soo eedeeyey ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay rido maxkamada caalamiga ee dambiyada adduunka.

Waxaana goa'ankaasi ah in Bemba dambi lagu helay soo dhaweeyay kooxaha u dooda xaququl aadanaha.