Kenya oo yaraynaysa shaqaalaynta ajnabiga

Lahaanshaha sawirka

Dowladda Kenya ayaa dhaqan galisay sharci cusub oo lagu yaraynayo shaqaalaynta dadka ajnabiga ee u shaqaynaya ururada aan dowliga ahayn ee waddanka.

Ururada aan dowliga ee NGOs, ayaa loo sheegay inay shaqaaleeyaan dadka ajnabiga oo kaliya markii ay waayaan qof reer Kenya oo shaqada qabta.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu dhimo lacagta badan ee la siiyo dadka ajnabiga, iyagoo qaadanaya lacag ka badan inta ay qaataan dadka reer Kenya ee samaynaya shaqo la mid ah.

Waxaa lagu qiyaasayaa in in ka badan toban kun oo shaqaale ajnabi ah inay ka shaqeeyaaan hayaddo caalami ah ee ku yaala dalka Kenya.