Kenya oo xeerar cusub u samaysay hay'addaha

Dawladda Kenya ayaa bilawday xeerar cusub oo adadag oo looga gol leeyahay in lagu dhaqo shaqaalaha ajaaniibta ah ee u shaqeeya hay'adaha gargaarka ee aan dawladda hoos imanin.

Hay'addaha ayaa loo sheegay in ay ajaaniibta shaqo siin karaan oo kali ah marka Kenya laga waayo shaqaale shaqadaas u qalma.

Ujeedada kale ee arrintan laga leeyahay ayaa ah in wax laga qabto shaqaalaha jaaniibta ah ee qaadanaya lacagta ka badan kuwa ay qaataan shaqaalaha Kenyanka ah ee ay isku hawsha hayaan ama isku darajada yihiin.

Waxaa la rumaysan yahay in Kenya ay ka shaqeeyaan toban kun oo ruux oo ajaaniib ah oo u shaqeeya hay'adaha caalamiga ah ee Kenya ka hawlgala.