Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baladwayne: Caawinaada Qadar iyo Turkiga

Wafdi ka socda Hay'adaha samafalka ee wadanka Qatar iyo hay'adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Baladweyne ka bilaabay qaybinta gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaaddii uu webiga Shabelle ku sameeyay magaaladaasi.

Waxaa qaybinta gargaarkaasi goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo safiiradda wadamada Muslimiinta ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa laga bilaabayaa gobolka mashruucyo horumarineed ee ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka.

Haddaba faahfaahinta warkaasi waxa Muqdisho ka soo diray weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan.