Colaadda Kolombiya oo heshiis laga gaaray

Image caption Fallaagada Kolombiya ayaa dowladda dagaal kula jirtay muddo nus qarni ah.

Dowladda dalka Kolombiya iyo fallaagada FARC ayaa sheegaya in ay gaareen heshiis xabbad joojin ah.

Heshiiskan laga gaaray mid ka mid ah colaadda ugu dheereed ee Latin Amerika ayaa looga gudbayaa caqabaddii ugu weynayd ee hortaagnayd wadahadalada nabadda.

Dhibaatada ugu weyn ee haysatay wadahadaladani ayaa waxaa y ahayd sidii hub ka dhigis loogu sameyn lahaa fallaagada FARC.

Labada dhinac ayaa sheegaya in maanta oo khamiis ah la shaacin doono qodobada heshiiskaasi oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaad socotay nus qarni.

Madaxweynaha Kolombiya Juan Manuel Santos ayaa sheegay in heshiis kama dambeys ah la saxiixi doono dhammaadka bisha July ee sandkan.

colaadda dalka Kolombiya oo socotay muddo nus qarni ah ayaa waxa ay galaafatay nolasha in ka badan 200,000 oo qof, halka ku dhawaad toddobo milyan oo kale ay ku barakeceen.