Qalaaso ka socda Baarlamaanka USA

Lahaanshaha sawirka Max Matza
Image caption Siyaasiyiin ayaa dhex-degay aqalka baarlamaanka Maraykanka.

Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa qabsaday oo dhex-degay Aqalka Congress-ka ee dalkaasi.

Waxay codsanayaan in la keeno mooshin lagu xakamaynayo hubka dalkaasi.

Guddoomiyaha Aqalka ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Paul Ryan, ayaa lagu qeyliyay mar uu isku dayay inuu si caadi ah u wado howlaha aqalka baarlamaanka.

Ryan ayaa tallaabadan xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ku tilmaamay mid shacbiyad doon ah.

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ayaa codsanaya sharciyo adag oo lagu xakamaynayo iibsashada hubka, maalmo kaddib markii toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof.