Kim Jong-un oo ku faanay tijaabada hubkiisa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kuuriyada Woqooyi ayaa dhowr jeer oo hore tijaabisay hubkeeda.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un, ayaa tijaabada gantaallo uu shalay oo arbaco ahayd uu tijaabiyay dalkiisa ku tilmaamay arrin ka markhaati kaceyso in dalkiisa uu awoodo in uu weeraro danaha Mareykanka ee ku yaala Pacific-ga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Kim Jong-un uu shakhsiyan kormeerayay tijaabada gantaaladaasi.

Khubarada dhanka milatariga ee waddamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in mid ka mid ah gantaaladaasi uu guul dareystay balse midka kale uu gaaray masaafo gaaraya dhowr boqol oo kiilomitir.

Kim Jong-un ayaa tijaabadaasi ku tilmaamay dhacdo weyn oo si weyn u xoojineyso awoodda dalkiisa uu u leeyahay in uu uga jawaabo weerar kastaa oo niyuukleer ah oo lagu soo qaado.

Tijaabada gantaaladaasi ee Kuuriyada Woqooyi ayaa ah mid jebinaysa xayiraado Qaramada Midoobey ay kal hore ku soo rogtay dalkaasi.