Maxkamad sare oo hor istaagtay Obama

Lahaanshaha sawirka AP

Qorshe uu madaxweyne Obama ku doonayay inuu sharci ku siiyo malaayiin dad, oo sharci daro ku joogay Maraykanka sanado badan oo la maasaafurin rabo ayaa hakaday.

Maxkamada sare ayaa joojisay isbadalka, ka dib markii ay kala duwanaadeen fikradaha siddeedii garyaqaan ee maxkamada sare. Afar ayaa ka soo horjeesatay qorshaha isbadalka, afarna way taageertay.

Dowladda Maraykanka ayaa doonaysa inay ka badbaadiso in dib loo celiyo afar milyan oo qof oo sharci daro ku jooga, ka dibna siiso viso ay ku shaqaystaan.

Laakiin, labaatan iyo lix gobol ayaa ka soo horjeestay qorshaha Obama uu awoodiisa madaxweyne isticmaalayo isagoon Congresska marin.