Uganda oo sheegtay ka baxida Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AFP

Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka sanadka danbe ee 2017.

Uganda ayaa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM ee taageera dowladda Soomaaliya.

Madaxa ciidamada Uganda, Jeneral Katumba Wamala ayaa sheegay in Uganda ay go'aan ku gaartay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, sababtoo ah in la gaaray xiligii ay ciidamada Soomaaliya la wareegi lahaayeen ammaanka.

Wuxuu sheegay ciidamada ajnabiga ee tababaraya ciidanka Soomaaliya inay lahayn iskaashi.