EU oo daganaansho ku baaqday

Lahaanshaha sawirka

Hoggaamiyayaasha Yurub, ayaa ku baaqay dagnaansho toddobaadyada iyo bilaha kaddib codeynta Birtain ee ka bixista Midowga Yurub.

Dad badan ayaa qaba inay tahay astaan ku baaqeysa dib u qaabeyn iyo isbedel Midowga Yurub dhexdiisa lagu sameeyo.

Barlamaanka Midowga Yurub ayaa qaban doono kulan gaar ah talaadada si uu u qiimeeyo natiijada aftida. Hoggaamiyaha kooxda ugu weyn Barlamanaka, Manfred Weber, ayaa sheegay inay degdeg u bilaabmeyso wadaxaajoodyada ku saabsan qodobada ka bixista Britain oo aan la sugin waxa ka so baxo dagaalka siyaasadda gudaha ee Britain.

Madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk, ayaa sheegay in 27ka dal ee Midowga Yurub go'aansadeen inay mideysnaadaan. Balse hoggaamiyayaasha xisbiyada Midowga Yurub ka horjeeda ee Faransiiska, Netherland iyo Denmark ayaa ku baaqay in dalalkooda afti laga qabto oo ku saabsan ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub.