Mareykanka oo ka hadlay radio Daljir

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka walaacsan xirista Radio Daljir oo 23kii bishan ay xirtay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Arrintan oo ah mid toos uga hor'imaaneysa xorriyatul-qowlka ayey kula dardaarmeen Puntland inay xurmeyso mas'uuliyadda ka saaran taageerada ay wadaagaan ee saxaafadda xorta ah, oo si degdeg ah dib loo furo Raido Daljir.

Xorriyatul-qowlka, ayaa ah xuquuq guud oo aadanahu leeyahay sida ku xusan qodobka 19aad ee xuquuqda aadanaha iyo sida uu qabo qodobka 18 aad ee dastuurka Soomaaliya.

Xorriyadan waxay muhiim u tahay bulsho madaxbanaan iyo hab doorasho oo nadiif ah.

Mareykanka ayaa soo dhaweynayo wariyayaasha Soomaaliyeed oo maalin kasta ku jira qatar xun oo soo wajahda naftooda, si ay u difaacaan xuquuq aan la badali karin, iyagoo u taagan dadka Soomaaliyeed.