Dad doonaya in lagu celiyo aftida UK

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaar ka mid ah dadka Britain ayaa doonaya in markale la qabto aftida Midowga Yurub.

Ayadoo la garawsaday cawaaqibka ka dhalan kara go’aankii ay Britain ugu baxayso Midowga Yurub, ayaa in ka badan milyan qof oo dalkaasi u dhashay waxa ay saxiixeen codsi ay baarlamaanka UK uga codsanayaan in lagu celiyo aftida.

Waxa ay ku doodayaan in dadka u codeeyay bixitaanka, oo heliya 52% codadkii la dhiibtay, halka ay aftida ka qeyb qaateen 75% dadkii is-diiwaangeliyay, aanay gaarin tiro ku filan.

Barta internet-ka ee lagu diiwaangelinayo codsigaasi ayaa waxaa buux dhaafiyay dadka booqanaya, taasoo dhalisay inuu si ku meel gaar ah hawada uga baxo.

Qaar ka mid ah dadkii u codeeyay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa sheegay in ay ka shalaynayaan go’aankooda, waxaana ay intaa raaciyeen in aanay markaasi fileyn in ay ku guuleysan doonaan aftida.

Waxaa hadda baraha bulshada ee Britain ka socda dood la magac baxday Regrexit, taasoo lagu muujinayo sida ay dadka uga qoomamaynayaan natiijada aftida.

Dhanka kale, waxaa xoogeysanaya codsi lagu doonayo in magaalada London ay ka madax bannaanaato Britain, isla markaana ay kasii mid ahaato Midowga Yurub. Waxaa codsigaasi saxiixay in ka badan boqol kun oo qof.