Wasiir ku dhintay weerarka Naasa-hablood

Image caption Hoteel Naasa hablood ayaa ku yaalla bartamaha caasimadda Muqdisho.

Waxa burburka hotel Naasa-hablood 1 laga soo saaray meydka wasiiru dawlihii xafiiska ra'iisul wasaaraha ee arimah bii'ada, Burci Maxamad Xamsa, oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka.

Waxaa sidaa BBC u xaqiijiyay xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah hab-dhawrayaasha baarlamanka Soomaaliya.

Laamaha amniga ee Muqdisho waxay sheegayaan in weerarka hotel Naasa-hablood 1 ay ku dhinteen 15 qof.

Masuuliyadda weerarka waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

Ciidammada ammaanka ayaa saacado ka dib dib ula wareegay hoteelka oo ku yaalla bartamaha Muqdisho, ka dib markii ay shalay galab galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Al-shabaab waxa ay inta badan weerartaa hoteellada, maqaayadaha iyo goobaha dadka rayidka ah ay ku badan yihiin ee caasimadda Muqdisho.