Midowga Yurub oo ka arrinsanaya Britain

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Frank-Walter Steinmeier ayaa ka qeybgalaya kulan looga hadlay bixitaanka Britain.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in aanu ka nixin isla markaana aanay curyaamin bixitaanka Britain.

Mr Steinmeier ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeyb galayay kulan ay magaalada Berlin ku leeyihiin wasiiradda arrimaha dibedda ee lixda dal ee asaasay Midowga Yurub.

Wasiiradaasi waxaa la filayaa inay ka wada xaajoodaan mustaqbalka Midowga Yurub.

Dhanka kale, madaxweynaha dalalka isticmaala lacagta Euro-ga, Jeroen Dijsselbloem, ayaa sheegay in galaangalka ay hay’adaha maaliyadda ee Britain ku leeyihiin suuqyada Midowga Yurub aad loo xakameyn doono .

Mr Dijsselbloem waxa uu TV laga leeyahay Netherlands u sheegay in qaar ka mid ah suuqyadaasi laga soo raridoono magaalada London.

Britain ayaa Khamiistii u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub, ka dib afti laga qaaday shacabka dalkaasi.