Dad ku dhintay bas ku gubtay Shiinaha

Lahaanshaha sawirka Xinhua
Image caption Baska ayaa waday in ka badan 50 qof.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay dalka Shiinaha, ka dib markii uu bas ay la socdeen dab qabsaday.

Shilka ayaa ka dhacay gobolka Hunan, waxaana baska oo waday in ka badan 50 qof, uu markii hore ka baxay wadada, ka dibna gadoomay.

Shidaal ka daatay baska ayaa la rumeysan yahay in uu dabka ka kacay.

Booliska gobolkaasi ayaa xabsiga dhigay darawalkii baskaasi dadka laayay.