Xiisad ka dhex aloosan mucaaradka UK

Image caption Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Labour-ka ayaa dhaliilsan hogaanka Jeremy Corbyn.

Natiijada aftidii Britain ka dhacday Khamiistii, ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Labour-ka.

Waxaa la filayaa in maanta ay iscasilaan kala bar xubnaha xukuumadda daah-kujirka ah ee mucaaradka ee loo yaqaano shadow cabinet.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa ka cabanaya in hogaamiyahooda, Jeremy Corbyn, uuna si daacad ah ugu ololeyn in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, taasina ay dhalisay in taageerayaasha xisbiga ay u codeeyaan bixitaanka dalkaasi.

Mr Corbyn ayaa xalay xilka ka qaaday Hilary Benn, oo xisbiga Labour-ka u qaabilsanaa arrimaha dibedda.

Mr Benn ayaa sheegay in aanu ku kalsooneyn hogaanka Mr Corbyn, waxaana uu ku talinayaa in mooshin kalsooni darro ah laga keeno hogaamiyaha xisbigaasi.

Xisbiga Labour-ka ayaa u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.