Xus loo samaynayo dalxiisayaashii lagu dilayTunisia

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarkii ka dhacay xeebta Al-Qantawi ayaa waxaa sheegtay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Waxaa dalka Tunisia ka socota munaasabad lagu xusayo 38-kii dalxiisayaal ee sanad ka hor maanta oo kale uu nin hubeysan ku dilay xeebta Al-Qantawi ee u dhow magaalada Sousse.

30 ka mid ah dadkaasi ayaa u dhashay dalka Britain. Magacyada dalxiisayaasha la dilay ayaa la aqrin doonaa, waxaana ubaxyo la dhigi doonaa goobta uu weerarka ka dhacay.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa sheegay inuu fuliyay weerarkaasi.

Waaxda dalxiiska ee Tunisia ayaa sheegtay in weerarkaasi uu aad hoos ugu dhigay dakhliga kasoo gala dalxiiska.

Mas’uuliyiinta Tunisia ayaa sheegaya in ay waxbadan ka qabteen ammaanka dalka, ayna dalxiisayaasha tegi karaan, balse xafiiska arrimaha dibedda ee Britain ayaa weli ka digeya in ay halkaasi ka jirto khatar dhanka ammaanka ah.