Hogaamiyaha sanadka Nigeria oo maxkamad la soo taagay

Image caption Hogaamiyaha sanadka ee dalka Nigeria iyo kuxigeen kiisa ayaa maxkamada ka soo muuqday

Siyaasiga saddexaad ee u sareeya dalka Nigeria oo ah madaxa aqalka sare ee senate-ka ayaa maxkamad la hor keenay maanta oo isniin ah.

Markii hore dacwadu waxay ku bilaabatay daganaansho la’aan, Madaxa aqalka senetka Bukola Saraki iyo kuxigeenkiisa Ike Ekweremadu ayaa sheegay in aysan wax dambi ah lahayn kaddib markii ay dhagaysteen eedaymihii loo haystay.

Diiwaan hayihii hore ee senetka iyo kuxigeenkiisa ayaa lala dacweeyay Saraki iyo Ekweremadu.

Dawladda Nigeria oo sii maraysa xeer ilaaliyaha guud iyo wasaaradda cadaaladda ayaa ku eedaynaya in ay kaalin ku lahaayeen been abuur lagu sameeyay shuruucda lagu hago Senetka taas oo ka caawisay in ay hogaamiye iyohogaamiye kuxigeen ka noqdaan senetka.

Arrintaas haddi lagu helo waxay ku mutaysan doonaan afar iyo toban sano oo xadhig ah.

Hadda dhamaantood waxaa laga ogolaaday damaanad lacag ah, dacwadana waxaa dib loogu dhigay ilaa 11 bisha todobaad ee fooda inagu soo haysa.

Hogaamiyaha sanadka ayay ku socotaa dacwad kale oo ku aadan in uu ka beensheegay hantida uu leeyahay, eedayntaas oo uu iyadana diiday.