Britain:Osborne oo dajinaya suuqyada

Wasiirka Maaliyada ee Britain, George Osborne, ayaa isku dayay inuu dajiyo suuqyada lacagaha ka dib markii Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Hadalkiisii ugu horeeyay tan iyo intii ay soo baxday natiijada aftida, Mr Osborne ayaa sheegay in dhaqaalaha UK uu u baahan yahay in lagu qaabeeyo go'aanka. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha Britain uu xoogan yahay oo diyaar loo ahaa wixii la samayn lahaa hadii laga baxo Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay Britain inay u furan tahay ganacsiga. Mr Osborne ayaa sheegay in Britain ay ku dhawaaqdo qodobka kontonaad ee looga baxo Midowga Yurub, markii heshiis cusub lala galo Midowga Yurub.