Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi heshiiska dekada Berbera

Somaliland ayaa sheegtay heshiiskii dekadda Berbera ay kula wareegi lahayd shirkadda Dubai Ports, inay rajeyneyso waxyaabaha ka dhiman in la soo gabagabeeyo bisha July.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali shire, ayaa BBC uga waramay heshiiska, gudaha Somaliland oo laga saluugsan yahay iyo sida ay xal ugu heleyso xukuumadu cabashooyinka jira.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo wareystay Dr Sacad Cali Shire, ayaa ugu horeyn weydiiyay natiijadii wareegii u dambeeyey ee wada hadallada Dubai ee dekedda Berbera.