UK:Saamiyada shirkado oo hoos u dhacay

Lahaanshaha sawirka

Saamiyada UK ayaan deganayn ka dib markii UK ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Iibintii saamiyada bangiga Barcalays ayaa si ku meel gaar ah la joojiyay. Shirkada Easyjet ayaa saamiyadoodi hoos u dhaceen 19%.

Iibsashada saamiyada Barcalays ayaa la joojiyay ka dib markii ay hoos u dhaceen in ka badan 10%, halka bangiga Royal Bank Of Scotland ay hoos u dhaceen in ka badan 14%.

Saamiyada Easyjet ayaa hoos u dhacay, ka dib markii shirkadda ay sheegtay in faa'iidada ay hoos uga dhici doonto intii la filanayay ka bixitaanka Yurub awgeed.

Saamiyada shirkadaha guryaha ayaa sidoo kale saamayn ay ku yeelatay ka bixitaanka Midowga Yurub. Taylor Wimpey iyo Barratt Developments ayaa saamiyadoodii ay hoos u dhaceen 12%.

Lacagta Pound-ka Britishka ayaa hoos u dhacday oo halkii pound uu gaaray $1.32 taasoo ah meeshii ugu hoosaysay mudo soddon iyo kow sano.