Dad lagu dilay duleedka Laascaanood

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Sawir hore oo Laascaanood laga qaaday

Labo qof ayaa lagu dilay duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnaayeen shaqaaqado labo beelood u dhaxeeya.

Gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise ayaa BBC u xaqiijiyay dhacdadaas.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in in magaalada bandaw la galiyay si looga baaqsado in ay dhibaato intaas ka badan dhacdo.

Wixii war ah ee ka soo kordha Idaacadaheena ama baraha bulshada ayaan idiinku soo gudbin doonaa.