Zuma oo dib u bixinaya $500,000

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweyne Zuma ayaa guriga ka dhistay Nkandla ee gobolka Kwazulu -Natal

Wasaarada maaliyada ee Koonfur Afrika ayaa ku talisay in madaxweyne Jacob Zuma inuu dowladda dib ugu celiyo $509,000 oo uugurigiisa ku dhistay.

Arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii maxkamada sare ay go'aan ku gaartay horaantii sanadkan in Mr Zuma oo dib u bixiyo $23m ee uu gurigiis aku qarash gareeyey.

Mr Zuma waa inuu hadda bixiyaa ilaa 3% lacagta oo idil afartan iyo shan maalmood gudaheed.

Gudiga ka hortaga musuqmaasuqa,oo loo yaqaan dhowrida bulshada, ayaa go'aan ku gaaray 2014-kii, in Mr Zuma uu si sharci daro ah uga faa'idaystay dib u dhis gurigiisa oo aan la xiriirin dhinaca ammaanka.