Maraykanka: Ruushku dublamaasiyiintanada ayuu handadaa

Lahaanshaha sawirka RIA Novosti
Image caption Calaaqaadka dublamaasiyadeed ee Maraykanka iyo Ruushka ma wanaagsanayn wakhtiyadii dambe

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in ay sii kordhayso handadaadda laamaha sirdoonka iyo nabadgalyada Ruushku ay ku hayaan dublamaasiyiinta Maraykanka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanaka ayaa sheegay in "arrintu ay aad isu soo taraysay oo si toos ahna loogu wargeliyay madaxweyne Vladimir Putin".

Dhibkan wuxuu bilawday labo sano ka hor markii Maraykanku cunaqabatayn ku soo rogay Ruushka kaddib qalalaasihii Ukrain, ayay hadalka ku sii dartay.

Dhacdooyin gaar ah oo si rasmi ah loo sheegay ma jiraan, laakiin wargeyska Washington Post ayaa sheegay in ay ka mid yihiin in guryaha shaqaalaha safaaradda oo loo soo dhacay ay ka mid yihiin dhacdooyinka la sheegay iyo in xawayaanka la rabbaayadaysto laga laayay.

Jawaab rasmi ah lagama hayo Ruushka laakiin warxbinta wargaysku qoray waxaa ka mid ahayd in aanay beenin Ruushku eedaymaha loo soo jeediyay.

Eedaymahaas waxa kale oo ka mid ah in ay sheegeen in ay jiraan daandaansi kaga yimid diblomaasiyiinta Ruushaka dhanka Maraykanka.