Obama oo ka digay dhaqaale xumo kaddib aftidii Britain

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweyne Obama ayaa ka digay dhibaatada dhaqaake ee ka dhalan karto aftidii Britan.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu jiro walaac la xiriira kkoboca wakhtiga dheer ee dhaqaalaha dunida, ka dib ka bixitaankii Britain ay u codaysay inay ka baxayso midowga Yurub.

Obama wuxuu sheegay in fursadaha koboca iyo maalgashiga ee Britain iyo dunida inteeda kale uu mushaakil soo wajihi karo.

Wuxuu ka codsaday Ra'iisalwasaaraha Britain David Cameron iyo hoggaamiyayaasha kale ee Yurub inay xaqiijiyaan hanaan hufan oo Britain ay ku baxdo.

Goor sii horreysay, ayay madaxda Yurub waxay Britain ugu baaqeen inay oggolaato in dadka reer Yurub ay si xor ah u tegi karaan dalkooda, haddii ay doonayaan inay qeyb ka sii ahaadaan suuqa mideysan ee Yurub.