Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo sheegtay qorshe qaran

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qorshaha qaran ee horumarinta markii ugu horeysay mudo sodon sano ah, waxaa munaasabad arintaasi ka hadlaysa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan, oo kamid ahaa weriyayaashii lagu martiqaaday munaasabadaasi ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.

Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha ayaa iskaashigooda uu ku salaysan yahay habka New Deal ee loogu tala galay in lagu caawiyo waddamada dagaalka ka soo baxay.