Qarax ka dhacay Turkiga oo 36 ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka
Image caption Saddex qof oo isasoo miidaamiayay ayaa weeraray garoonka caalamiga ah ee Istanbul

Ugu yaraan 41 ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul.

in ka badan 230 qof ayaa ku dhaawacmay. Ugu yaraan 13 dadka dintay ayaa ha ajnabi

Sawirro la soo dhigay baraha bulshadana waxay muujinayaan booliska oo tooganaya mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday.

Lahaanshaha sawirka GETTY
Image caption Duulimaadyadii garoonka caalamiga ee Istanbul ayaa la joojiyay

Jaakadii is qarxinta ee u xirnayd ayuu qarxiyey isagoo dhawaacan oo dhulka yaalla.

Duullimaadyadii ayaa la joojiyey, dadkana waxaa laga codsaday inay ka fogaadaan garoonka.

Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee Istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa, ayadoo la isticmaalayo dhiiga iyo xanuunka dadka aan waxba galabsan.

Turkigu wuxuu weerarka ku eedeeyey kooxda dawladda islaamiga.