Dadkii weeraray Turkiga oo noqday ajnabi

Image caption Saddexda nin ayaa isku qarxiyay garoonka diyaaradaha ee Istanbul

Turkiga ayaa sheegay in saddexda nin ee qaaday weerarka garoonka diyaaradaha eeIstanbul ay ka imaadeen Ruushka, Uzbekistan iyo Kyrgyztan.

Dowladda Turkiga iyo Maraykanka ayaa aaminsan in mintidiinta IS ay ka danbaysay weerarka, oo ay ku dhinteen in ka badan afartan qof.

Boliiska Turkiga ayaa baaritaano ka sameeyay Istanbul iyo Izmir. Waxay xireen saddex iyo toban qof, oo ay ku jiraan ajnabi.