Ciidamada QM oo ka baxaya Liberia

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala Liberia,UNMIL,ayaa isku diyaarinaya inay xilka ammaanka ku wareejiyaan ciidamada iyo boliiska Liberia.

UNMIL ayaa la geeyay Liberia 2003-dii, ka dib dagaal sokeeye oo ay boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen.

Ciidamada Liberia ayaa qaatay tababaro ay ka heleen caalamka si loogu diyaariyo masuuliyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ciidamo ku reebi doonto Liberia si ay u kordhiyaan awooda ciidamada.