Weerar lagu qaaday basas Mandheera marayay

Image caption Weerar horay loogu qaaday bas u kala gooshayay Mandheera iyo Nairobi

Lix qof ayaa lagu dilay weerrar lagu qaaday bas marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera, ee Waqooyi Bari Kenya.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku warramaysa in dabley hubaysan ay rasaas huwiyeen laba bas oo halkaasi ku safrayay.

In ka badan 20 qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.

Weerrarka maleeshiyaadka ay gaysteen ayaa imanaya maalin un kaddib markii Mareykanka uu qeyba ka mid ah Kenya ka soo saaray digniino dhanka socdaalka ah.

Ragga hubaysan ayaa waxa ay kamiin u galeen laba bas oo u safrayay Mandheera oo marayay meel u dhaw xuduudda Soomaaliya, kaddibna rasaas ay oodda kaga qaadeen.

Dowladda Kenya ayaa horay uga digtay suuragalnimada weerrar argagixiso oo ka dhaca dalka xilli ay gebagebo marayso bisha barakaysan ee Ramadaan.

Guddiga ammaanka ee Mandheera ayaa sidoo kale uga digay dadka aan Soomaalida aheyn in todobaadkan ay dhulka ku safraan iyadoo laga cabsi qabay weerraro in lagu qaado.