Sh Hasina: Waan tirtireynaa argagixisada

Image caption Sheikh Hasina ayaa sheegtay in howlgalka maqaayada lagu dilay lix mintidiin ah iyo qaar ka mid ah lahaystayaashii.

Ra’iisul wasaaraha Bangladesh, Sheikh Hasina, ayaa wacad ku martay in ay dalkeeda ka tirtireyso argagixisada, ka dib weerar uu dhiig ku daatay oo dabley mintidiin Muslim ah ay ka geysteen maqaayad ku taalla caasimadda Dhaka.

Sheikh Hasina oo telefishinka shacabkeeda kala hadashay, ayaa sheegtay in laamaha ammaanka ay dileen lix mintidiin ah, ayna kasoo furteen dad ay maqaayada ku haysteen.

Dableyda ayaa maqaayada gashay habeennimadii Jimcaha, waxaana ay halkaasi dad ku haysteen saacado badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raacisay in qaar ka mid lahaystayaashii ay howgalka ku dhinteen.

Mid ka mid ah kooxdii weerarka fulisay ayaa noolal lagu qabtay.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa sheegay inuu fuliyay weerarkaasi.