Madaafiic khasaare u gestay Baydhabo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaafiicda ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac

Abaare afartii iyo barkii aroornimo xilli lagu dhawyahay salaaddii subax, ayaa sagaal madfac waxa ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo ay ku jiraan qof dumara iyo ilmo yar ayaa ku dhintay madaafiicdaasi, iyadoo 18 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Sawiro laga soo qaaday xaafadaha ay madaafiicdu ku dhacday ayaa muujinaya burbur gaaray guryo iyo baabuur, iyadoo dadka reer Baydhabo ay wali la anfariirsanyihiin madaafiicdii huradada looga kiciyay saaka.

Ma jirto cid sheegatay in ay mas’uul ka tahay duqeyntaasi.