Garaad caan ah oo geeriyooday

Image caption Garaad Abshir ayaa si weyn uga dhex muuqday nabadeynta beelaha.

Garaad Abshir Saalax oo ka mid ahaa garaadada gobolka Sool iyo magaalada Buuhoodle ayaa xalay ku geeriyooday dalka Sweden.

Garaadka ayaa wuxuu ka soo qayb qaatay nabadeynta beelaha iyo dhisida maamulada Somaliland iyo Puntland iyo dawlidihii kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Waxa uu xilka garaadnimada hayay muddo ka badan 20 sano.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo madax dhaqameed badan ayaa tacsi soo gaarsiiyay xafiiska BBC ee Hargeysa.