Al-Shabaab oo qabsaday Rabdhuure

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rabdhuure ayaa waxaa shalay isaga baxay ciidanka dawladda iyo kuwa Itoobiya.

Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen degmadaasi, ka dib markii ay isaga baxeen ciidammada Itoobiya iyo kuwa dawladda oo halkaasi gacanta ku hayay labadii sano ee ugu danbeysay.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in Shabaabku soo galeen degmada waxyar uun ka dib markii ciidamada iswata ay halkaasi isaga baxeen galinkii danbe ee shalay.

Rabdhuure ayaa gacanta dawladda iyo ciidamada taageera soo gashay 25kii bishii June 2014, markaas oo laga saaray Al-Shabaab.