US oo ka hadashay khasaaraha Drones-ka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maraykanka ayaa drones-ka u adeegsada weerarrada ka dhanka ah mintidiinta.

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay qiyaas rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarrada ay fuliyaan diyaaradaha drones-ka, tan iyo intii uu xukunka hayay madaxweyne Obama.

Waxa ay sheegtay in tirada dhimashada rayidka ay u dhaxayso 64 ilaa 116 qof, balse aanay ku jirin dadka ku dhinta dalalka ay colaadda hadda ka taagan tahay sida Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan

Tirakoobka ayaa la sheegay in laga sameeyay dalalka Pakistan, Yemen iyo Soomaaliya, halkaasi oo Maraykanka uu ku bartilmaameedsado kooxo mintidiin ah iyo weliba shakhsiyaad kale.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in tirada dhimashada ay aad uga badantahay tan uu Maraykanka sheegay.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in ku dhawaad 2,500 oo dagaalyahan uu ku dilay qiyaastii shan kun oo weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee drones-ka loo yaqaano.