FBI-da oo wareysatay Hillary Clinton

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hillary Clinton ayaa su'aallo laga weydiiyay email gaar ah oo ay adeegsatay markii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibedda.

Haweeneyda la filayo in ay musharraxa u noqoto xisbiga Dimuqraadiga doorashada ka dhacaysa Maraykanka sanadkan, Hillary Clinton, ayaa ka hadasha su’aallo ay weydiisay laanta dembi baarista dalkaasi ee FBI.

Mrs Clinton ayaa wax laga weydiiyay email gaar ah oo ay adeegsaneysay xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Waxa ay u sheegtay telefishinka NBC in kulanka FBI-da uu ahaa mid xushmad ku dheehan tahay, isla markaana si wanaagsan ku dhacay.

Mrs Clinton ayaa intaa raacisay in ay ku faraxsan tahay ka caawinta waaxda cadaallada ee dalkaasi, in ay soo gebagabeyso dib u eegid sanad qaadatay oo ay ku samayneysay arrintaasi.

Waxa ay sheegtay in aanay wax khalad ah samayn, isla markaana aanay email-ka gaarka ah ku helin ama ku dirin macluumaad xasaasi ah.

Balse dadka dhaliilsan ayaa ku doodaya in ay boqolaal dukuminti oo sir ah faraha u gelin kartay baraha internet-ka ee ay bulshadu heli karto.

Khubarada dhanka qaanuunka ah ayaa sheegaya in ay adagtahay in Mrs Clinton lagu qaado dacwad ku aaddan arrintaasi.