Qaraxyo lagu hoobtay Baqdaad

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxyadan ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Baqdaad ka dhaca sanadkan.

Ugu yaraan 90 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 170 kale.

Ururka isku magacaabay dawladda Islaamka ayaa sheegay in uu mas’uul ka yahay qaraxa koobaad, oo loo adeegsaday gaawri xamuul ah kana dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Karada ee bartamaha caasimadda, halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.

Ka dib waxa uu qarax labaad ka dhacay waqooyiga caasimadda, waxaana ku dhintay 4 qof.

Qaraxyadan oo ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Baqdaad ka dhaca sanadkan, ayaa kusoo beegmaya ayadoo todobaadkii hore ay ciidanka Ciraaq magaalada Fallujah ka qabsadeen xooggaga dawladda Islaamka.