Masjid uu daad qaaday dalka Pakistan

Image caption Daadadka ayaa saameeyay qeybo badan oo ku yaalla waqooyiga Pakistan.

Daadad ku dhuftay qeybo ka mid ah waqooyiga Pakistan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 30 qof.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in masjid ku yaalla deegaanka Ursoon ee magaalada Chitral, uu daadka qaaday dadkii ku tukanayay.

Waxaa sidoo kale la la’yahay sideed ka mid ah ciidammada ammaanka ka dib markii uu daadka ku dhuftay saldhig ay ku sugnaayeen.

Saraakiisha deegaanka ayaa ku baaqay in lagu caawiyo diyaaradaha helicopter-ka si ay u gaaraan deegaannada go’doonsan.

Daadad horay ugu dhuftay deegaannadaasi ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof.