Qarax ka dhacay Madiina Al-Munawarah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Masjidka Nabiga (CSW) ee Madiina Al-munawarah

Afar askari oo ka tirsan ciidammada ammaanka ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada barakaysan ee Madiina Al-Munawarah, ee waddanka Sucuudiga, kaddib markii qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay meel u dhaw Masaajidka Nabiga (NNKH), oo ah mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan dhulka Muslimka.

Telefishinka Sucuudiga ayaa baahiyay muuqaalo muujiynayay dab ka kacay meel baabuurta la dhigto iyo ugu yaraan maydka hal qof oo meesha yaal.

Qaraxani ayaa dhacay xilli isla maanta uu qofkale oo ismiidaamiyay uu isku qarxiyay masaajid Shiicadu leeyihiin oo ku yaalla magaalada bariga ku taal ee Qadiif iyo mid kale oo ka dhacay qunsuliyadda Mareykanka ee Jidda agteed.

Qaraxa ka dhacay qunsiliyadda Mareykanka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaalada qunsuliyadda.

Weli lama garanayo cidda ka dambaysa weerarradan.